SAWIRO: Guddiga doorashooyinka Qaranka , oo Galmudug kula Shiray Madaxda Galmudug

SAWIRO: Guddiga doorashooyinka Qaranka , oo Galmudug kula Shiray Madaxda Galmudug

0
SHARE

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa kulamo kala duwan la yeelatay Mas’uuliyiinta Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayay kulamo kala duwan kula yeelatay Magaalada Dhuusamareeeb, waxaana ay ka wada hadleen dadaallada Guddigu ugu jiro in doorasho qof iyo Cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta Guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana uu ugu baaqay in ay dardargeliyaan shaqooyinka loo idmaday.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa dhawaan Xafiis ka furtay Magaalada Dhuusamareeb,kaasoo qeyb ka ah dadaallada lagu ballaarinaayo shaqooyinka guddiga.

LEAVE A REPLY