Top News : Wasiir & Agaasimayaal Wasaaradeed oo loo xiray Musuq maasuq...

Top News : Wasiir & Agaasimayaal Wasaaradeed oo loo xiray Musuq maasuq & Hanti dhowrka oo….

0
SHARE

Wararka ka imanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland.

Booliska Somaliland ayaa la sheegayaa in C/Raxmaan Gurbarwaaqo ay xabsiga u taxaabeen,waxaana la sheegayaa in loo heysto eedo musuq maasuq la xiriira.

Somaliland waxaa todobaadyadii ugu dambeeyay ka socday xarig lagu sameynayo mas’uuliyiin hore iyo kuwa xilka hayay.

Wasiirka oo la xiray xalay fiidkii ayaa waxaa uu xilka Wasiirka Wasaaradda ku wareejiyay wasiirku xigeenkiisa Maxamed Muuse Abees.

Hanti dhowrka guud ee Somaliland ayaa markii hore goostay warqad xarig ah oo lagu soo xirayo wasiirka markii uu ka horyimid xubno ka mid ah wasaaradda in ay Maxkamadda hortagaan.

Saaka oo Axad ah ayaa lagu wadaa Wasiir Guribarwaaqo in uu hortago Maxkamadda Magaalada Hargeysa si uu uga jawaabo eedaha loo heysto.

Dadka la xiray waxaa ka mid ahaa labo Agaasime oo ka mid ahaa Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo uu midkood dhawaan is casilay,waxaana lagu xiray Hargeysa.

Hantidhowrka guud ee Somaliland ayaa soo gaba gabeeyay baaris uu ku hayay wasaaradaha qaar ee Somaliland,waxaana la sheegayaa in Hantidhowrku ay musuq ku heleen Hay’adaha dowladda qaar.

LEAVE A REPLY