Wararkii ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

Wararkii ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax noociisu uu ahaa kuwa gawaarida lagu dhejiyo oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Gaariga oo ahaa nooca raaxada ayaa waxa uu ku qarxay ina u dhaxeysa Daarta MBC iyo Isgoyska Black Sea ee Magalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga uu lahaa sarkaal Ciidamada Minashiibiyada ka tirsan ee Canshuurta qaada ,hayeeshee xilliga la qarxinayay uu saarnaa kaliya darawalkii waday.

Ilaa laba ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen qaraxaas oo saarnaa gaari ay leedahay Jaamacadda Simad oo xilliga qaraxa dhacayay marayay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana dadka dhaawacmay la geeyey mid ka mid ah isbitaalada Magalada Muqdisho.

Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan ah mid degan,waxana dib u furmay isku-socodka dadka iyo gaadiidka oo ay hakad geliyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda markii uu qaraxa dhacay.

Qaraxaan ka dhacay Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho ay xiran yihiin,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweynaha Jubbaland uu kusoo wajahan yahay Magalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY