Xaalad adag oo soo wajahday Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Sweden

Xaalad adag oo soo wajahday Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Sweden

0
SHARE

Bankiga Swedbank ee dalka Sweden ayaa xiray koontooyin uga furnaa dhowr xawaaladood oo lacago u xawila Soomaaliya arintaasoo caqabad weyn ku noqotay xawaalada Soomaalida ee dalkaas ka shaqeysta.

Arintan ayaa sababtay in maalmihii ugu dambeeyay garoonka dayuuradaha Arlanda lagu xiro dhowr qof oo isku dayey inay dalka Sweden ka kala baxaan lacag cadaan ah, markii ay waayeen bangi ay mariyaan.

Habane Hassan guddoomiyaha urur u dhaqdhaqaaqa Soomaalida Sweden ayaa sheegay in labaatameeyo shirkado noocan oo kale sidaas looga xidhay koontooyinkoodii.

“Waxey saameysay Soomaalida Sweden ku nool ee doonaya inay qaraabadooda u diraan biil, ayuu yiri.

Bilihii ugu dambeeyay ayuu bangiga Swedbank xiray koontooyin dhowr xawaaladood oo Soomaaliya lacag u dira. Sababta ayaa ah sida ay ku cadeyd warqado loo soo diray shirkadahan in aaney ballan qaadi karin in lacagtan aan lagu maalgelinin ururada argagaxisada.

Siddeed shirkadood oo ogolaansho ka haystay hayadda kormeerka Maaliyadda lix ka mid ah oo koontooyin uga furnaayeen bangiga Swedbank ayaa la xiray xilligii kala guurka sannadihii 2018-2019. halka labada xawaaladood ee kale laga xidhey koontooyin ey ku lahaayeen bangiga Nordea.

Sharci hirgalay sannadkii 2017-kii ayaa bangiyada ku khasbayay in ay ogaadaan halka ey lacagaha xawaaladuhu tegeyaan iyo cidda loo dirayo. Si looga hor tago maalgelinta ururada argagaxisada.

LEAVE A REPLY