Xasan Daahir Aweys Oo Iska Diiday Dalab Uga Yimid Waddan Ku Yaalla...

Xasan Daahir Aweys Oo Iska Diiday Dalab Uga Yimid Waddan Ku Yaalla Qaarada Asia & Jawaabtii Uu Bixiyey

0
SHARE

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu weli yahay Maxbuus u xiran Dawlada Soomaaliya taas oo la leeyahay waa uu diiday inuu ka tanaasulo ama cadeeyo Mowqifkiisa.

Bishii June Sanadkii 2013 ayaa Xamar la keenay isagoo diyaarad laga soo saaray Cadaado Xasan Daahir Aweys Xilligaasna waxa uu kasoo baxsaday Al Shabaabkii Baraawe joogay.

Mid ka mid ah Xarumaha Nabad sugida oo ku taalla Madaxtooyada Soomaaliya ayuu Xabsi guri ku yahay Xasan Daahir Aweys waana mida keentay inuu xaalad adag soo food saaro.

Warar ayaa sheegaya in Dalka Sacuudiga ay Magan galyo usoo fidiyeen hadii dalkooda uu imaanayo Xasan Daahir Aweys balse uu iska diiday taasi.

Qof ka mid ah Ehelka Xasan Daahir ayaa sheegay in Xaaladiisa ay wanaagsan tahay islamarkaana uu la kulmo qoyskiisa iyo Xaasaskiisa.

Tani waxay Dawlada Soomaaliya iyo midii ka horeysay Ee Xasan Sheekh Maxamuud ku tahay guuldaro kale marka loo eego inay Xasan Daahir Xukumi waayaan maadaama Sargaal sare Shabaab ahaa ama ay iska cafin lahaayeen sida Maxamed Siciid Atam oo Puntland kasoo baxsaday dawladana ay Dalka Qatar Udirtay halkaasina magan galyo ku heysto.

Marar badan ayaa la isku dayey in Qadiyada Xasan Daahir lasoo af jaro balse ay noqotay mid macangagnimadiisa wax badan uga halaabaan oo uu ka biyo diiday dalabkii Dawlada iyo Ehelkiisa usoo jeediyeen ee ahaa inuu ka tanaasulo mabda’ii Xagjirnimada ahaa.

LEAVE A REPLY