XOG: Dawlada Soomaaliya Oo Qorsheneysa Inay Tallaabo Adag Ka Qaado,Si Ay Uhesho...

XOG: Dawlada Soomaaliya Oo Qorsheneysa Inay Tallaabo Adag Ka Qaado,Si Ay Uhesho Hal Arin Awgeed

0
SHARE

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxay wadaa qorshe ay ku dooneyso sidii ay uxadidi laheyd Warbaahinta gaarka ah Ee Dalkka ka shaqeeya.

Kulan gaar ah ayaa waxa uu dhexmaray Wasaarada Isgaarsiinta iyo Boostaha Soomaaliya iyo xubno ka socday Dawlada Itoobiya ayaa waxa la sheegay in laga arinsaday sidii Dalka Isgaarsiinteeda loo xanibi lahaa.

Waxa looga goleeyahay  sidii Nabad gelyada Muqdisho,loo xakameyn lahaa,Shirkada Hormuud ayey Dawlada wada xaajoog kula jirtaa si ay saamiga loogu celiyo malkiilayaasha.

Sidoo kale waxaa jira in warbaahinta la doonayo in la xanibo,islamarkaana la reebo labo ilaa seddex Warbaahin keliya gudaha Muqdisho.

Warbaahinta ayaa la sheegay in hadda ay 30 ka mid yihiin islamarkaana seddex meelood meel la rabo inay noqdaan keliya oo hormarka iyo Dawladnimada laga shaqeeyo.

Wasiirka Boostaha iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa doonaya in Isgaarsiinta gacanta Dawlada Soo gasho maadaama si gaar ah Dalka loo xukumo.

LEAVE A REPLY