XOG: Farmaajo oo Seefta gasha kala baxay & Kheyre oo Toosh ku...

XOG: Farmaajo oo Seefta gasha kala baxay & Kheyre oo Toosh ku shiday Masuuliyiin Xilalka laga qaadayo

0
SHARE

Warar hoose oo ay heshay Hobyomedia.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu wado qorshe uu isbedel ugu sameynayo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Hay’addaha Dowlada.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Lataliyayaashooda dhinaca Amniga iyo Siyaasadda ayaa kulan gaar ah xalay ku yeeshay Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa la iskugu afgartay in isbedelo lagu sameeyo Xilal ay hayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta, iyadoo qaarkood loo wareejinayo Boosas kale halka kuwa xilalka laga wada xayuubinayo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo jeediyay in Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya loo wareejiyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, iyadoo xilka laga qaadayo Guddoomiye Yariisow.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa hore uga biyo diiday inuu noqdo Duqa Muqdisho, waxaana saaxiib dhow ay yihiin Madaxweyne Farmaaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre lamina oga sida ay uga dhaadhicin doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balanqaaday in si deg deg ah loo magacaabi doono Taliyaha nabad sugida Soomaaliya, waxaana loo badinayaa inuu Madaxweynaha Xilkaasi kusoo celin doono Taliyahii iska casilay markuu noqday Musharax Madaxweynaha Koofur galbeed Xuseen Cismaan Xuseen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidamada isbedelo lagu sameynayo, iyadoo muujineysa in Dowlada ay ka jawaabeyso amni darada kusoo korortay Magaalada Muqdisho oo Dilal qorsheysan iyo Qaraxyo dad badan lagu dilay

LEAVE A REPLY