XOG: Farmaajo oo soo Afjaraya Khilaafka & Weerarka Afka ee kala dhaxeeya...

XOG: Farmaajo oo soo Afjaraya Khilaafka & Weerarka Afka ee kala dhaxeeya Yoweri Museveni

0
SHARE

Warar hoose oo ay heshay Wakaalada hobyomedia.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Khilaaf kala dhaxeeyo dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, iyadoo lagu wado inay ka wada hadlaan.

Khilaafkan ayaa ka dhashay markii Madaxweynaha Uganda uu ka xumaaday qorshe ay Dowlada Soomaaliya u bandhigtay Beesha Caalamka oo inta ugu badan ciidamada Uganda looga saarayo Dalka Soomaaliya.

Museveni ayaan qarsan dagaalka uu kula jiro Dowlada Soomaaliya, isagoo Shirarkiisa Jaraa’id ee ugu dambeeyay Saxaafada uu la hadlo ku weeraray Soomaaliya oo tusaale aan habooneyn uu usoo qaatay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta Shir loogaga hadlayo arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga dalalka qaarada Afrika uga qeyb galaya caasimada dalka Uganda ee Kampala.

Shirkaasi kadib ayay yeelan doonaan kulan gaar ah labada Madaxweyne, iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya xog aan helnay ay sheegeyso inay diyaar u tahay wada hadalo la iskugu soo dhawaado.

LEAVE A REPLY