XOG: Villa Somalia oo Xildhibaano badan ku Qancisay inay ka aamusaan Arrinta...

XOG: Villa Somalia oo Xildhibaano badan ku Qancisay inay ka aamusaan Arrinta Muranka Badda

0
SHARE

Xog gaara oo ay heshay Hobyomedia.com ayaa sheegeysa in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku guuleysatay in Xildhibaano badan ay ka dhaadhiciso in aan laga hadlin arrinta Muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeysa.

Qorshahan oo ay wadeen Wasiiro iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Muxaafadka ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Xildhibaanada ugu hadalada dheer Mucaaradka ee sida weyn u Mucaarada Villa Somalia.

Xildhibaano dhowr ah ayaa lagu heshiiyay in arrintan aysan ka hadlin, iyadoo lacago aad u badan ay siisay Dowlada si hadalada ay kusoo qorayaan Baraha Bulshada kuwa ay la wadaagayaan Warbaahinta Madaxa Banaan ay iska joojiyaan.

Tiro Xildhibaano kooban ayaa kasoo horjeestay qorshahaasi, iyadoo badi ay aqbaleen in Dowlada ay kaga dambeynayaan Muranka Dhul badeedka ee labada dal.

Villa Somalia ayaa cadaadis xoogan kala kulantay Mucaaradka tan iyo markii Dowlada Kenya ay joojisay Xiriirka Diblumaasiyadeed ee labada Dowladood, iyadoo sidoo kale Safarkii Madaxweynaha Soomaaliya ee Kenya oo la sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen sidoo kale Mucaaradka ay fasiraad kala duwan ka bixiyeen,waxayna taas jahwareer badan ku riday Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanda ayaa sidoo kale loo balanqaaday in Madaxweynaha Soomaaliya ay kulan gaar ah kala yeelan doonaan arrintan, iyadoo Su’aalo badan uu Madaxweyne Farmaajo kaga jawaabi doono kadibna shacabka loo bandhigi doono xaqiiqada jirta.

LEAVE A REPLY