Xogtii u Danbeysay Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay in Soomaaliya xiligan leedahay Labo...

Xogtii u Danbeysay Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay in Soomaaliya xiligan leedahay Labo Cadaw

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay jiraan cadaw Soomaaliyeed oo kasoo horjeeda xasiloonida , Nabada iyo horumarka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in dalka leeyahay labo cadaw oo kala ah mid gudaha iyo mid dibadda ah, waxa uuna tilmaamay in labadaasi cadaw ay ka shaqeenayaan sidii loo bur burin lahaa dowladnimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in cadowga dibadda ay adeegsadaan dad Soomaaliyeed , waxa uuna xusay in arintaasi looga gon leeyahay in aysan Soomaaliya ka dhalan dowlad xoog leh si kheyraadkeeda loo gurto loona maamusho.

Runtii Soomaaliya waxaa heysta cadaw aad u farabadan mid dibadeed iyo mid gudaha, midka dibada soomaaliya inay istaagto lama rabo sidaan inaan ku jirno ayaa la rabaa, aduunka oo dhan waxa alla wixii kaa awood badan waxa ay rabaan inay ku maamulaan waana ku dagaalsan yihiin, waxaa ay heystaan dad walaalaheen ah oo shaqada u qabanayo ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dadka cadawga dibadda adeegsanayaan in ay yihiin kuwa Damiirnimadii Soomaalinimo meel iskma dhigay wax walbo uu cadawga rabana haye yiraahda si kheyraadka dalka loo gurto.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili dowlada uu hogaamiyo xiligan wajaheyso xaalada adag oo dhinaca amniga ah iyo sidoo kale gadood ka dhashay ciidanka Milatariga Soomaaliya oo kasoo baxay qaar kamid ah furumaha dagaalka.

LEAVE A REPLY