XOG: Mukhtaar Roobow oo Diiday in Ciidankiisa uu Dowlada ku Wareejiyo &...

XOG: Mukhtaar Roobow oo Diiday in Ciidankiisa uu Dowlada ku Wareejiyo & Go’aan Qaraar oo….

0
SHARE

Warar Hoose oo ay heshay Wakaalada hobyomedia.com ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay qafiifisay Shuruudaha ay ku xirtay sii deynta Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur ayaa odayaal kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ay ku booqdeen xabsiga uu ku jiro, iyagoo u gudbiyay Shardi ay sheegtay Dowlada inay ku deyneyso kaasoo ah inuu Ciidamadiisa ku wareejiyo Dowlada Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Mukhtaar Roobow uu diiday inuu ciidankiisa ku wareejiyo Dowlada, isagoo taas bedelkeeda doortay inuu xabsiga ku jiro.

Arrinta ayaa Mukhtaar Roobow oo dhowr isku day ka fashilantay ayaa u muuqata inay sii xumaaneyso, iyadoo Odayaasha Koofur Galbeed ay quus ka joogaan sii deyntiisa maadaama Villa Somalia ay ku adkeysaneyso Go’aano adag.

Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan oo hore u balanqaaday inuu soo deyn doono Abuu Mansuur ayaa ku fashilmay.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.