Akhriso xaalada dalka Sudan masuuliyin la xiray.madaxweynihi sudan oo xalada ay ku...

Akhriso xaalada dalka Sudan masuuliyin la xiray.madaxweynihi sudan oo xalada ay ku xun tahay iyo malatariga oo la waregay xarumihii dowlada

0
SHARE

Ciidamada Milatariga dalka Sudan ayaa awood saakay u adeegsanaya in uu xilka baneeyo Madaxweyne Al Sayid Cumar Xasan Al Bashiir oo mudo 30-sano ah Madaxweyne ka ahaa dalkaasi.

Milatariga ayaa hada u muuqda mid fulinaya dalabka shacabka dalka Sudan oo ku aadanaa  in Madaxweynaha xilka baneeyo isbadalna dalkaasi ka dhaco, waxa ayna Milatariga saakay la wareegeen Madaxtooyada iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Saraakiisha ugu sareysa Milatariga dalka Sudan iyo saraakiisha kale ee laamaha amaanka dalkaasi ayaa xiligan kulan deg deg ah waxa uu uga socdaa xarunta ugu sareysa Milatariga ee kutaala Khartuum.

Update Hobyomedia.com 11:30 Thursday, 11 April 2019 (GMT+3)Time in Mogadishu, Somalia

Warar kale oo soobaxaya ayaa sheegaya in xiray qaar ka mid ah ilaalada madaxweynaha dalka Suudaan iyo tiro kale oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee dalkaas ee National Congress Party ee [NCP],dhinaca kalana kulan Albaabadu ay u xiranyihiin ayaa u socda saraakiisha qeybaha milatariga ee dalkaas.

Update Hobyomedia.com 11:50 Thursday, 11 April 2019 (GMT+3)Time in Mogadishu, Somalia

Ciidamada Milatariga ayaa bilaabay in ay xir xiraan masuuliyiin katirsanaa dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oon wali xaalad aan kala cadeeyn ku jira laguna qasbayo in uu is casilo.

Warbaahina Sudan ayaa ku warameysa in Milatariga xireen  Ahmed Haruun oo ahaa Madixii xisbiga Golaha Qaranka, Cali Cusmaan Daaha oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Wadanka Sudan , iyo Cabdi Raxiim Maxamed Xuseen oo ahaa Wasiirkii Hore ee Difaaca Sudan.

Update Hobyomedia.com 12:13 Thursday, 11 April 2019 (GMT+3)Time in Mogadishu, Somalia

Sida ay ku warantay Wakaalada Wararka ee reuters Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa aqbalay in uu xilka ka dego, kadib markii Milatariga dalkaasi saakay ku go’doomiyeen xarunta Madaxtooyada.


Telefishinka iyo Raadiyaha dalka Sudan ayaan wali laga baahin is casilaada Madaxweynaha dalka Sudan, waxaana wali shir xasaasi ah u socdaa Saraakiisha Milatariga oo ka tashanaya go’aankii ay ku dhawaaqi lahaayeen iyo cida talada lagu wareejinayo.

Wixii, Warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY