Al Shabaab weeraro qorsheynayo oo gudaha u galay Kenya iyo Cabsi ka...

Al Shabaab weeraro qorsheynayo oo gudaha u galay Kenya iyo Cabsi ka taagan

0
SHARE

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in cabsi xoogan ay ka taagan deegaano dhowr ah oo ka tirsan dalka Kenya, kadib markii gudaha dalkaasi ay galeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Xubnaha ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha dalka Kenya galeen, iyaga oo kagudbay xuduuda dhanka Soomaaliya, waxaana saraakiisha amaanka ay soo saareen digniin dhanka amaanka ah.

Booliska Dalka Kenya ayaa dadweynaha dalkaas weydiistay in ay gacan ka geystaan soo qabashada saddex qof oo ay sheegeen in ay halis ku yihiin amaanka Gudaha Kenya.

Warbixin ay soo saareen Booliska Kenya ayey ku sheegeen in saddexda qof oo aysan magacooda shaacin ay halis ku yihiin amaanka dadweynaha.Advertisement

Anthony Munga, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya islamarkaana saxiixay warqadda lagu wargelinayay dadweynaha ayaa sheegay in xitaa ehelka saddexda qof ay qeyb ka qaataan soo qabashada raggaas.

Waxaa uu Anthony Munga, sheegay in Dadkaasi ay gudaha Soomaaliya kasoo gudbeen, suuragalna tahay in ay gudaha Kenya kula soo laabtaan falal argagixisanimo ah.Advertisement

Saraakiisha amaanka ayaa dhanka kale sheegay in xubnaha Al Shabaab ay doonayaan inay afduubtaan gaadiidka gurmadka deg dega iyo daawooyin ay doonayaan inay isku daaweeyaan, maadaama sida la sheegay daawo yari ay soo wajahday

LEAVE A REPLY