Boqorka Sacuudiga Oo Sheegay In Aysan Oggolaan Doonin In Israel Lagu Wareejiyo...

Boqorka Sacuudiga Oo Sheegay In Aysan Oggolaan Doonin In Israel Lagu Wareejiyo Buuraha Golan

0
SHARE

Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu maanta ka jeediyey Shirweynaha 30-aad ee Hoggaamiyayaasha dalalka Carabta uga furmay  caasimadda dalka Tunisia ee Tunis.

Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay inay Dowladda Syria lagu taageero milkiyadda ay u leeyihiin Buuraha Golan Haytis oo qeyb ka ah dalka Syria, iyo inaan loo hibeyn karin Israel.

Boqorka Sacuudiga waxa kale oo ka hadlay Mowqifka dalkiisa ee Falastiin, wuxuuna xusay inay taageersan yihiin in Dolwad Falastiini ah laga dhiso Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, iyadoo caasimadna u noqon doonto Bariga magaalladda Quddus-ta La-haysto.

“Arrinta Falastiin waxay figta sare kaga jirtaa Ajendaha Sacuudiga, ilaa ay dadka Reer Falastiin ka helayaan Xuquuqdooda Sharciga iyo inay yeeshaan Dal laga dhiso xuduudkii sannadkii 1967-dii: ayuu yiri Boqor Salmaanka Sacuudiga.

Dhinaca kale, Afhayeenka Shirka Madaxda Carabta, Maxamuud Al-khameyri waxa uu sheegay inay Hoggaamiyayaasha Carabta carrabka ku adkeeyeen Nabad lala gaaro Isreal, iyadoo lagu beddelanayo inay ka wada baxaan dhulalka ay ka haystaan guud ahaan Ummadda Carbeed.

LEAVE A REPLY