Daawo: Muuqaalka Muqdisho ee maanta,xaalad cakiran oo jirta & dibad-baxyada oo sii...

Daawo: Muuqaalka Muqdisho ee maanta,xaalad cakiran oo jirta & dibad-baxyada oo sii fidaya

0
SHARE

Xaalad cakiran ayaa ka taagan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dib markii askari ka tirsan Dowladda Federaalka uu dawaral Mooto Bajaaj iyo shaqsi uu waday ku dilay isgoyska Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir.

Banaanbax ay dhigayaan darawaliinta Mooto Bajaajta iyo dhalinyaro is abaabulay ayaa ku sii fidiya degmooyinka magaalada Muqdisho,kaas oo markii hore ka bilowday degmada Howl-wadaag.

Qeybo ka mid ah Suuqa ganacsiga ugu weyn Soomaaliya ayaa xiran,waxaana la maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidanka Dowladda oo doonaya iney ku kala ceyriyaan dadka banaanbaxa dhigaya.
                         Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka;

LEAVE A REPLY