Daawo Sawirada Haraagii Meydka Askari Yuhuudi Oo La La’aa 1982-Sanno Oo...

Daawo Sawirada Haraagii Meydka Askari Yuhuudi Oo La La’aa 1982-Sanno Oo Laga Helay Syria

0
SHARE

Ciiddanka Khaaska ee Raashiya ka jooga dalka Syria ayaa la sheegay inay heleen haragii maydka Askari Yuhuudi oo asalkiisu Maraykan ahaa, kaasi oo la la’aa tan iyo sannadkii 1982-kii.

Madaxweynaha dalka Raashiya, Valadamir Putin waxa uu maanta u sheegay Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjimiin Netanyaahu in la helay haraaga maydkii Askarigaasi oo la oran jirey  Zakariya Baumel, kaasi oo isaga iyo 2 Askari oo kale la waayey

Askarigaas oo xilligaas da’diisu ahay 21-jir, waxa uu xilligaas ka qeyb galayey weerarkii ay Yuhuudda ku qabsadeen dalka Lubnaan, iyado ay Yuhuudda Dagaalkaasi khasaaro xooggan kala kulmeen

Madaxweyne Putin waxa uu sheegay inay Ciiddanka Raashiya iyo kuwa Syria iska kaashadeen hawlgalka lagu soo helay haraagga maydka Askarigaasi, iyadoo Yuhuudda maanta lagu wareejiyey sanduuq uu ku jiray maydka Askarigaasi iyo qalabkiisii dagaalka

LEAVE A REPLY