Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Sheegay In Dowladda Aysan Adeegsan Wax Awood Ah

Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Sheegay In Dowladda Aysan Adeegsan Wax Awood Ah

0
SHARE

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ka hadlay eedeymaha loo jeediyay Xukuumaddiisa ee ah in ay awood u adeegsato wax kasto oo ay dooneyso inay qabato.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in aysan wax awood ah u adeegsan shaqadii ay rabaan inay qabtaan,hayeeshee dhaqanka dowladda uu yahay in hadii la rabo in horumar laga gaaro dhinaca dhaqaalaha lala dagaalamo Musuq Maasuqa,taasina aysan awood aheyn.AKHRISO

Isaga oo wareysi siiyay TV-ga Afka Soomaaliga ku baxa ee Universal ayaa waxa uu tilmaamay in uu aaminsan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay ogyihiin waxqabadka dowladda ee labadii sano ee la soo dhaafay,isla markaana xusay in Caalamka uu qiray in Soomaaliya ay rago wanaagsan leeday ayna gaartay hormar la taaban karo.

Hoos ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha.\

LEAVE A REPLY