Taliska Booliska oo shaaciyey in la qabtay Keydkii Hubka ee Alshabab ku...

Taliska Booliska oo shaaciyey in la qabtay Keydkii Hubka ee Alshabab ku lahayd duleedka Muqdisho

0
SHARE

Taliska Ciidamada Booliska ayaa shaaciyay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen God ay hubka ku keysadaan Alshabaab oo ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Gen. Zakiya Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada amniga ay soo qabteen hub aad u fara badan oo lagu aasay God weyn oo ku yaalla Ceelasha Biyaha, kadib markii ay heleen xog.

Wararka ayaa sheegaya in keydka hubka u ahaa keyda ugu weyn ee Alshabaabka ka howlgala Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay adeegsadaan.

Lama bixin faahfaahin kale io muuqaalka hubka la sheegay in lasoo qabtay ee faraha badan, waxaana la sugayaa in loo bandhigo saxaafadda

LEAVE A REPLY