War culus Akhriso Maxa ka jira in Madaxweynaha iyo Ra,iisul wasaraha Somalia...

War culus Akhriso Maxa ka jira in Madaxweynaha iyo Ra,iisul wasaraha Somalia ay isku khilaafeen Go’aanka laga gaarayo Nuuca Doorasho ee Dalka ka dhici doonta

0
SHARE

Warar hoose oo ay heshay hobyomedia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka ay isku khilaafeen in Golaha Wasiiradda ay go’aano kasoo saaraan Nuuca Doorasho ee Dalka ka dhaceysa.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa inoo sheegay in Kheyre uu ololeynayo sidii Dowlada ay u cadeyn laheyd Nuuca doorasho ee Dalka ka dhaceysa maadaama isqabqabsi xoog leh uu ka taagan yahay arrintaasi, waxaana Mucaaradka oo ka cabsi qaba in Mudo kororsi ay dowlada sameyso ay kordhiyeen Kacdoonka ay kaga soo jeedaan Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa doonaya in wada tashiyo dheeraad ah lala sameeyo Guddiga Madax banaan ee doorashada, sidoo kale Golaha Wasiiradda Guddi loo saaro si ay arrintan usoo diyaariyaan, Warbixin buuxdana ay ka keenaan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya in Xubno Beesha Caalamka ka socda iyo Dowlada Federaalka ay ka arrinsadaan sida ay u dhaceyso doorashada 2021, iyadoo Madaxweynaha uu diidan yahay in lagu deg dego.Advertisement

Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbado kulul oo ay jeediyaan Todobaadkan bilowgiisa waxay ku weerareen Dowlada Federaalka, iyagoo ku eedeeyay inaysan wali kala cadeyn nuuca doorasho ee Dalka ka dhaceysa, iyagoo kaga digay inay ku fekeraan Muddo Kororsi.

LEAVE A REPLY