Wararkii ugu dambeeyay Alshabaab oo dagaal xoogan ku qaaday Qoryooleey

Wararkii ugu dambeeyay Alshabaab oo dagaal xoogan ku qaaday Qoryooleey

0
SHARE

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya weerar Al Shabaab ku qaadeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

<

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ururka Al Shabaab ay weerar ku qaaday fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maamulka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dagaalka ay Al Shabaab kaga dileen seddex xubnood, islamarkaana dhankooda Khasaaro aan badneyn uu kasoo gaaray dagaalka.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooleey Maxamed Cabdi Cabdullaahi ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid xoogan oo Al Shabaab ku qaadeen degmada, balse ciidamada dowladda ay iska difaaceen.

“Nimankii nabad diidka ayaa ayaa dagaalka soo qaaday, gees ayay magaalada kasoo galeen, kadibna waxaa la arkay iyagoo bartamaha magaalada Joogo, sababtoo ah koontaroolka kama soo gali karin”.

Wuxuu sheegay in seddex kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab ku dileen weerarka dhankoodana uu ka dhintay hal askari oo kamid ahaa ciidamadii ku sugnaa aaga hore ee dagaalka.

“Annigaa kamid ahaa dadka la dagaalamay, waan isaga aadnaa Al Shabaab muddo shan sano ah ayaan la dagaalameynay, seddex ruux ayaan ka dilnay anagana hal ruux ayaa naga dhintay”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Qoryooleey.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa Sheegay in ciidamada dowlada ay isaga filan yihiin weerarada ku laalaabay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo kaga imaanaya Al Shabaab

LEAVE A REPLY