XOG CULUS: Farmaajo oo Fursadii ugu dambeysay la siiyay & Beesha Caalamka...

XOG CULUS: Farmaajo oo Fursadii ugu dambeysay la siiyay & Beesha Caalamka oo Kheyre ku dhegtay

0
SHARE

Warar hoose oo ay heshay hobyomedia.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya lasoo gaarsiiyay Fariin kulul oo kaga timid Beesha Caalamka.

Fariintan oo Kulamo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu la qaatay Xubnaha Beesha Caalamka loogu soo dhiibay ayaa ah digniin kama dambeys ah oo loo jeediyay Madaxtooyada Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa looga digay inay markale qaado Talaabo wiiqi karta Hanaanka Dimuqraadiyada oo Beesha Caalamka ay sheegtay in lagu barbaarinayo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre eedihii ugu badnaa uu la kulmay waxaa ka mid ah Sababta Dowlada Soomaaliya ay u ceyrisay Wakiilkii UN-Haysom iyo arrimo kale oo si weyn loogu eedeeyay inta ay xafiiska joogeen Farmaajo iyo Kheyre.

Beesha Caalamka ayaa hoos u dhigtay Dhaqaalaha ay siiso Dowlada Soomaaliya kadib Go’aano xasaasi oo Beesha Caalamka tala ku laheyn oo Dowlada Soomaaliya ay gaartay.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa loo sheegay inay la yimaadaan qorshe amni oo shacabka lagu badbaadin karo, iyadoo Beesha Caalamka ay door fiican ka qaadaneyso.

Dhawaan waxaa soo ifbaxday in Madaxweyne Farmaajo lagu wargeliyay inuu iscasilo laakiin waxaa hada muuqaneysa in fursad kale ay Beesha Caalamka siineyso Nabad iyo Nolol.

LEAVE A REPLY