Xog Culus Shirka Garoowe oo laga reebay Cali Gacal Casir oo Galmudug...

Xog Culus Shirka Garoowe oo laga reebay Cali Gacal Casir oo Galmudug Gudoomiye Barlamaan ka ahaa Maxay Tahay Sababtu?

0
SHARE

Waxaa gaaray Magaalada Garowe guud ahaan Guddoonada baarlamaanka maamulada Jubbaland, Hirshabeelle and Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale tagay Garowe ku Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, waxaana halkaasi ka furmi doona Shir socon doona Saddex maalmood oo looga hadlaayo horumarinta Goleyaasha xeer dejinta.

Shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto waxaa Sanadkaan laga reebay Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Sababta looga reebay ayaa lagu sheegay in ay tahay in Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen in uusan matalin Xildhibaanada Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ka taagan Jahwareer, waxaana uu u kula qeybsan yahay labo qeybood.

LEAVE A REPLY