Xogtii u danbeysay Maleeshiyaad Daacad U Ah Senetor Muuse Suudi & Booliska...

Xogtii u danbeysay Maleeshiyaad Daacad U Ah Senetor Muuse Suudi & Booliska Oo Ku Dagaalamay Degmada Kaaraan ee Muqdisho

0
SHARE

Ciidamo kawada tirsan Dawlada Soomaaliya ayaa galabta waxa uu is rasaaseyn ku dhex maray Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho.

Askar katirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxay doonayeen inay Dadka deggan Kawaan Bari ka raraan balse Dad deegaanka oo Hub heystay iyo ciidan kale oo Dawlada katirsan Degmada Kaaraan kusugnaa ayaana dagaal kala hor yimid Ciidankii Booliska ahaa.

Goob joogayaal waxay sheegeen in rasaas xoog leh ay dhacday taas oo qal qal gelisey xasiloonidii degmada Ka jirtay.

Warar ayaa sheegaya in Kawaan Bari Hoteelo iyo Xarumo Ganacsi loo badelayo balse dadka deggan ay ka biyo diideen inay ka guuraan.

Dawlada Hoose Ee Xamar waxay dooneysaa inay Kawaanka Bari ubadesho dhinaca deegaanka Ceel cade.

Warar madax banana ayaa sheegaya in ciidamada Dagaalka kala hortegay Booliska ay ka amar qaataan Senetor Muuse Suudi Yalaxoow taas oo xiisadooda ay maalmahaan Muqdisho ka taagneyd.

LEAVE A REPLY