Xukun adag oo lagu riday nin qaba AIDS oo Gaalkacyo ku kufsaday...

Xukun adag oo lagu riday nin qaba AIDS oo Gaalkacyo ku kufsaday gabar 9 jir ah (Aqri)

0
SHARE

Maxkamad ku taalla woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa xukun culus oo dil iyo bixinta Magdhow ku riday nin qabay cudurka AIDS-ka oo ku kufsaday gabar 9 sano jir ahayd.

Maxkamadda Darajada koowaad Gobolka Mudug ayaa Dil toogasho iyo Magdhow dhan 5000 kun oo Doollar ku xukuntay eedaysane Mukhtaar C/kaafi Xersi oo lagu helay kufsiga gabar yar oo 9 sano jir ah oo lagu magacaabo Farax Faarax Jaamac Siyaad.

Eedeysane Mukhtaar C/kaafi Xersi ayaa la xaqiijiyey inuu qabay Cudurka HIV, wuxuuna Bishii Febraayo ee 2019 sanadkan Magaalada Gaalkacyo ku kufsaday Gabar 9 sano jir ah isagoo qaadsiiyey Cudurka HIV.

Eedeysanaha la xukumay ayaa da’diisu ahayd 36 sano jir, waxaana dadkiisu ku doodeen in dhimirkiisu uusan taam ahayn, taasoo caddeymo loo waayey.

LEAVE A REPLY