Akhriso Farmaajo oo ka Carooday Labo Arrin ay ku dhageen Xaaf &...

Akhriso Farmaajo oo ka Carooday Labo Arrin ay ku dhageen Xaaf & Madoobe oo Fashilisay Shirka Garowe

0
SHARE

Xog gaara oo ay heshay Hobyomedia ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka carooday Falkii ka dhacay Magaalada Kismaayo in dusha Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu ka saaro Dowlada Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo oo waday dadaalo uu ku doonayo inuu ku qanciyo Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa la sheegay inuu ka gaabsaday kadib markii Jubbaland eedeyn ay Dowlada Federaalka ka carootay u jeedisay.

Shalay iyo ilaa iyo Xalay wax kulamo ah Madaxweynaha Soomaaliya lama qaadan Madaxda Maamul Gobaleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah ay yeesheen.

Saciid Cabdulaahi Deni ayaa kulanka gaarka uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku doonayay in xal un la gaaro isla markaana intii shirka fashilmi lahaa qodobo un la isku raaco wixii kalena dib looga wada hadlo.Advertisement

Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday in waqti kororsi dheer loo sameeyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo sidoo kale in Dowlada dhexe ay faragalin ku yeelan Doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku guul dareystay dadaalada uu waday kadib markii Axmed Madoobe iyo Xaaf ay ku hanjabeen inay dib ugu laabanayaan Deegaanadooda isla markaana ay Galmudug ku dhawaaqday in lagu kala tagay Shirka Garowe uu fashilmay.Advertisement

Si kastaba ha ahaatee wali ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxda Dowlada oo ku aadan Shirka inuu burburay laakiin Maamulada qaar ayaa sheegay in lagu kala tagay oo wax shir aysan ka socon Garowe.

LEAVE A REPLY