Akhriso Taariikh Nolaleedkii Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Galmudug oo geeriyooday

Akhriso Taariikh Nolaleedkii Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Galmudug oo geeriyooday

0
SHARE

Allaha u Naxariisto Madaxweynihii ugu horeeyay ee Galmudug Maxamed Warsame Cali (Kiimiko) ayaa ku geeriyooday Dalka Kenya.

Marxuuum Kiimiko wuxuu ahaa Muwaadin Dalkiisa iyo Dadkiisa si qiimo leh ugu soo shaqeeyay. Hadaba Warbaahinta Hobyomedia.com aya idin soo koobaysa Taarikh Nolaleedkisii alaha u Naxariistee Marxuun Maxamed Warsame Cali Kiimiko

Wuxuu ka mid ahaa Danjirayaasha Soomaaliya ee Caalamka laga tixgaliyo,isagoo soo noqday Danjirihii Soomaaliya ee Maraykanka 1980 iyo Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, sidookale wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii Dalka Soomaray.

-Waxa uu ku dhashay Magaalada Dhagax-buur
1937
-Wuxuu ahaa Turjubaan iyo La Taliyaha Sare ee Baarlamaan-
kii Dowladdii Daakhiliga ahayd.

Waxa uu ku hadli jiray Luqadaha, Soomaaliga, Carabhiga, 
Talyaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska.
-Waxbarashadiisa waxa uu ku soo qaatay wadanka Talyaaniga.

-1963 – 1964 waxa uu ahaan Qunsulka Guud ee Soomaaliya u
fadhiya Dalka Maraykanka.

Waxa uu noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada
Midoobay (Head of Mission).

-Wuxuu noqday Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta. Xiligii wasiiraddii milatarigu soo xulen ee Secretaryga loo yaqiin kamid ahaayeen cumar carte qaalin cabdiqaasim salad xassan ahmed mahamed siilanyo

Wuxuu noqday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.dawladdii haddana mar labaad xiligaas milatarigu aqoon yahanada talada udhiibay

Wuxuu noqday La-taliyaha sare ee Madaxweyne 
Siyaad Barre.

Mar kale ayuu noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada
Midoobay (Head of Mission).

-1979 waxa uu noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka
Faransiiska caasimadda Paris.

Waxa uu noqday Safiiska Soomaaliya u fadhiya wadanka
Maraykanka ,magaalada Washington, DC.

Waxa uu noqday Ergeyga gaarka ah (SRSG0 ee Xoghayaha 
Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka 
Kaamboodiya.

Wuxuu ka mid ahaa kor-joogtadii kala wareegga Xukunka 
South Africa oo ka wareegayey caddaankii tirada yaraa kunawareegayey Dadka Madow ee uu hor-kacayey Nelson Mandela.


Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii wax ka aas aasay jamacadda ummada somaliyeed y wuxuuna mar noqday gudoomiyaha jaamicadda somaliya

-Ugu Danbeyn Wuxuu ahaa asaasihii Dowlad Goboleedka Galmudug.

W/Q/ Samiir Hassan Adan

Xafiis Austria . Vienna

LEAVE A REPLY