Booliska Sacuudiga oo 8 nin oo hubeysan ku laayey Jasiirada Tarout (Sawirro)

Booliska Sacuudiga oo 8 nin oo hubeysan ku laayey Jasiirada Tarout (Sawirro)

0
SHARE

Ciiddanka booliska Sacuudiga ayaa sheegay inay 8 nin oo hubeysan ay ku dileen Howlgal ka dhacay Jasiirad ku taalla gobalka Al-Qatif maalintii shalay.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay inuu Hawlgalkaasi ka dhacay Jasiiradda Tarout oo ku taalla bariga dalkaas ka dib markii Boolisku ay weerareen koox cusub  argagixiso oo halkaas lagu asaasay

Ragga la laayey oo iska caabin adag sameeyey ayaa waxaa lagu eedeeyey iney qorsheynayeen inay weeraro qorsheysan ku qaadaan Xarumo dowlada Sacuudigu ku leedahay gobolka Al-Qatif.

LEAVE A REPLY