Daawo Dowlada Yeman o Soo Bandhigtay Dagaalyahano Soomali ah oo u Dagalamayay...

Daawo Dowlada Yeman o Soo Bandhigtay Dagaalyahano Soomali ah oo u Dagalamayay Kooxdaha Kooxda Xuutiyiinta

0
SHARE

Ciidamada Dalka Yemen ee dowladda Caalamka aqoonsanyahay ayaa waxaa ay soo bandhigtay labo Nin oo ay sheegtay in ay ka mid ahaayeen Ciidamada Xuutiyiinta ah.

Labada Nin ee Soomaalida ah oo aan Magacooda la shaacin ayaa shalay lagu soo bandhigay Gobolka Ticis ee Dalka Yemen halkaas oo ay Ciidamada Yemen ee dowladda Caalamka aqoonsayahay ku suganyihiin

Dowladda Yemen ayaa horay u sheegtay in Soomaali iyo Itoobiyaan badan oo Tahriibayaal ah ay u dagaallamaan Kooxda Xuutiyiinta oo qasab ku dagaal gelisa.

Bishii April ee la soo dhaafay Taliyaha Ciidanka dowladda Yemen ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Xuutiyiinta ay maalin qura ku dileeen 30 Soomaali ahaa oo ka mid ahaa 260 qof oo u dagaallamayay Xuutiyiinta kuwaas oo ay dagaal ku dileen.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ku eedeeyay in ay askareeyaan dadka Tahriibayaasha ah ee maraya xeebaha dalka Yemen halkaas oo ay ka qab qabtaan qasabna ku dagaalgeliyaan.

LEAVE A REPLY