Deg Deg Qodobada Shirkii Garoowe oo Madaxweyne Xaaf Muddo Xileedkiisa Hal...

Deg Deg Qodobada Shirkii Garoowe oo Madaxweyne Xaaf Muddo Xileedkiisa Hal Sano Loogu Darayo Halka baarlamaanka ku sugan Cadaado uu…..

0
SHARE

HM_Xafiiska Gaalkacyo Wararka ay hobyomedia.com s ka heshay shirka Garoowe ayaa sheegaya in la isku afgartay in hal sano loogu daro madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

Waxaa kale oo heshiiska ka mid ah in baarlamaanka ku sugan Cadaado ee Gacal Casir guddoomiyaha ka yahay uu sii joogo, lana soo celiyo.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in uu haatan wada hadal u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha labada dhinac.

Madaxweyne Xaaf ayaa marar badan ka sheegtay faragelinta dowladda dhexe, isaga oo ka cabanayey in laga goostay lacagtii loogu talo galay.

Arrintan ah in hal sano loogu daro waxaa ay soo afjareysaa khilaaf u dhaxeeya hey’adaha Galmudug wax ka badan hal sano.

LEAVE A REPLY