Dhageyso:-Maamul Goboleedkii 2-Aad Oo Ka Hor Yimid Go’aan Ay Qaadatay Dowladda

Dhageyso:-Maamul Goboleedkii 2-Aad Oo Ka Hor Yimid Go’aan Ay Qaadatay Dowladda

0
SHARE

Maamulka Galmudug ayaa ka horyimid guddi dhawaan ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaawday kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan 2019, iyadoona ay Wasaarada u xil saartay guddi ka kooban Culimada Soomaaliyeed iyo Ururada Rayidka si aysan dood iyo qeylo uga imaanin.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta maamulka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in Galmudug   ay ka soo horjeedo guddigaas oo ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya magacaawday,labo todobaad ka hor maadama aan wax wada tashi ah lagala sameynin Wasaarada Awqaafta iyo Diinta Maamulka Galmudug.AKHRISO

Waxyana G/Mudug Wasaarada  Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ku eedeysay inay markale ku talaabsaneyso Khaladaad joogta ah,isla markaana aysan dooneynin maslaxada iyo wadajirka Ummada Soomaaliyed iyo hanaanka Faadraalka ee lagu heshiiyay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu fariin u dirtay Shirkadaha Duulimaadka waxaa uu ugu baaqay in aysan ku kadsoomin arintaasi,,isagoona sheegay inay arrintani aheyn mid u adeegeysa maslaxada dadka iyo dalka.

Maamulka Puntland ayaa labada maalin kahor ka hor yimid Guddi dhawaan ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaawday kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan 2019,isla markaana eedeeymo u jeedisay dowladda.

LEAVE A REPLY