Dowladii Austria oo la kala diray Kadib Markii Ra,iisul Wasare ku xigeenka dalkasi Fadeexad darted uu is ku casilay

HM__Xafiiska Vienna > Kadib Markii Maalintii Shalay ahayd uu is Casilay Ra,iisul Wsaare ku xigeenka Wadanka Austria Mr. Strache ahaana Gudoomiyaha xisbiga FPO ee Midigta Fog kana soo Horjeeda Soo Galootiga , ayaa Waxa soo baxay War Cusub maanta o Axad ahayd kaasi oo ku saabsan in Dowlada la kala diray

Ra,iisul Wasaraha Dalka Austria Sebastian Kurz ayaa Madaxweynaha Wadanka Austria Alexander Van der Belle ka Codsaday in la Qabto Doorasho cusub kadib markii Muqaalo qarsoodi ah oo la duubay ay soo baxeen , muqaladasi oo muujinaya in ra,iisul Wasaare ku Xigeenka Austria uu xirir dhaw la laha Ruushka isla Markana Ruushka ay wada Galeen Heshiis ku saabsan in ruushka uu dhaqaale siiyo Xisbigiisa si olala doorashada u galaan markii ay soo baxaan uu u saxiixi doono Heshishyo ganacsi oo Ganacsatada Ruushka ay ku faaidi doonaan

isla Shalay Muqaalka marki la Baahiyay aya waxaa si casilay Ra,iisul Wasare ku xigeenkii Dalka oo ahaa Shaqsiga muqaalkaasi ka dhax muuqday waxana muqalka uu mujinayay in Ganacsato Ruushka ah isagaoo la fadhiya isla markana arintan dhaqalaha ah si fiican looga wada Hadlay


Madaxweyanaha Austria
Alexander Van der Belle oo Saxafada la Hadlaya iyo Raiisul Wasaraha Dalkasi oo Garab taagan

Caasimada Vienna ayaa waxa shir ku qabtay Ra,iisul Wasaaaha Austria
Sebastian Kurz isagoo madaxweynaha Austria ka codsaday in la qabto Doorasho laga soo Hormariyay Xiligeedi madama Fadeexadasi ay soo shacbaxday waxana guud ahan la kala diray Dowladiii

Madaxweynaha Wadanka Austria Alexander Van der Bellen, ayaa sheegay in xisbiyada waddanku looga bahan yahay in dib loo dhiso kalsoonida dadka cod-bixiyayaasha ah oo ay soo jeedinayaan in ay codkooda dhiibtaan horraantii Sebtembar xiligaasi oo wadanka doorasho laa qaban doono

Alexander Van der Bellen ayaa Shacabka Austria ugu baaqay in ay u soo baxan Doorashada Bisha September isla makana ay g,aan ka gaara cida hogaamin doonta wadanka

Fadeexxada tagan ee ruushka uu ku lug leeyahay aya waxa ka hadlay wadamo badan oo ka tirsan yurub waxana wadamada ka hadlay ka mid aha dowlada Germalka iyagoo shegtay in Ruushka uu markan doonayo in siyaasada Yurub oo musuq maaasuq lacageed ku iibsado waxana Ra,iisul Wasaraha Germalka angela merkel ay sheegtay in muwaadiniinta reer yurub aysan arintan u dulqadan karin madama xoriyadoodii lagu so qaaday werar

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Mr Strache aya iska Fogeeyay inta uusan is Casilin Edeymihii loo jediyay ee aha in uu ku dhaqaaqay Taalo Sharci Daro ah waxana uu shegay in Aysan waxba ka jirin Edeymaha loo soo jeediyay

Xisbiyada FPO SPO ayaa ka mid ah xisbiyada Ugu Awooda Badan Wadanka Austria , Waxana Dowladi la kala diray ay ahayd Dowlad Wadaag lagu soo Dhisay markeedii Hore

W.Q. Samiir Xasan Adan

Vienna  Austria

Email > Samiirxasan@gmail.com

Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia,com

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements