Duqa Muqdisho oo Fal Dambiyeed ku tilmaamay Imtixaankii la xaday Malaga yaabaa...

Duqa Muqdisho oo Fal Dambiyeed ku tilmaamay Imtixaankii la xaday Malaga yaabaa in Wasiir Goodax isku casilo Fadeexada taagan darteed ?

0
SHARE

HM__Xafiiska Muqdisho Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn oo u baahan in caddaaladda la horgeeyo dadkii ka danbeeyey ku tilmaamay in Imtixaankii Dugsiyada Sare la xado oo suuqa la geliyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo sharciga lagu horgeynayo looga qaado cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay.

“Wasaaradda Waxbarashada waa inay hubiyaan nidaamka imtixaanka ka hor inta aysan ardeydu fariisan Maamulka G/Banaadirna waxuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato wixii taageero farsamo ah ee looga baahdo. Mar haddii xatooyada aysan ka dhicin goobaha G/Banaadir waa in imtixaanada gobollada la kala duwaa, isla markaasna shacabka loo sheegaa goobta xatooyadu ka dhacday”.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah.

Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare ayaa qiray fadeexada taagan ee ah in ardayda heleen imtixaankii Wasaaradiisu diyaarisay, waxa uuna Wasiirka fashilkaasi ku eedeeyay hal goob uu sheegay in qishka laga bixiyay.

Cabdulaahi Goodax marnaba wasaaradiisa ma qaadan masuuliyada fadeexada taagan, waxa uuna Wasiirka isaga iyo wasaaradiisa ka fogeeyay fadeexada ka dhalatay Imtixaanka su’aalihiisa banaanka la keenay ee ugu dambeyn sababay in la joojiyo imtixaanka.

Sanadkii 2014-kii waxaa is casilay Wasiirkii Waxbarashada Kooriyada Koonfureed Hwang Woo-yea, kadib markii maktabadii daabaceysay Imtixaanka ay khaladay labo kamid ah su’aalihii Imtixaanka.

Shacabka iyo aradayda ayaana cabashada su’aalahaasi khaldamay ka gudbiyay Warbaahinta , waxa ayna taasi keentay in Wasiirka is casilo isagoona eeda khalaadka dusha saartay, marna Wasiirka khaladka dusha kama saarin Maktabadii daabacday .

Soomaaliya lagama sugayo in Wasiir ama masuul kalaba uu isku casilo fadeexad hareesay Wasaarada ama goobta uu joogo, waxaana Soomaaliya caado ka noqotay hadii boqolaal dhintaan ama malaayiin la xado in masuulka xilkiisa sii joogo ilaa laga qaado ama la qasbo

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax lama filayo in uu isku casilo fadexada hada taagan, wasiirka durba fadeexada waxa uu dusha ka saaray dhinacyo kale isagoona ugu baaqay Hay’ada amaanka in dadkaasi soo xiraan.

Arday badan oo maanta banaan bax ka dhigay magaalada Muqdisho waxa ay ugu baaqeen Wasiirka Waxbarashada in uu is casilo, hasa ahaatee dalabkaasi maahan mid u roon dhagaha Wasiirka sidoo kale lama filayo in qaato masuuliyada khaladka dhacay.

Imtixaanka Shahaadiga ee qaado Wasaarada Waxbarashada oo soo socday sanadihii ugu dambeeyay ma dhicin fadeexadan hada taagan oo kale, waana markii ugu horeesay ee lawada helo qishka imtixaankii Wasaarada diyaarisay sidoo kale la joojiyo imtixaanka.

LEAVE A REPLY