Iiraan oo door bideysa inay iska caabiyaan Mareykanka

Iiraan oo door bideysa inay iska caabiyaan Mareykanka

0
SHARE

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani oo Waaberigii hore ee saaakayto oo Talaado ah hadlay ayaa sheegay in Xal Diplomaasiyadeed lagu xalin karo Xiisadda kala dhexeysa Maraykanka, balse aysan xaalladda haatan taagan saamixi Karin in la wada hadlo.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee IRNA waxay ka soo xigatay Madaxweyne Ruuxaani inuu sheegay in xaalladda maanta saamixi Karin wada-xaajood, isla markaana ay Iiraan door-bidayso Iska caabin oo keliya. AKHRISO

Waxa uu carrabka ku adkeeyey inuusan Xilligan sax ahayn in la wada hadlo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo horey ugu hanjabay inuu Iiraan burburin doono ayaa waxa uu haddana shalay sheegay inuu diyaar u yahay Wada-xaajood, haddii ay Dowladda Iiraan diyaar u tahay in la wada xaajoodo.

Madaxweyne Trump oo la hadlay Suxufiyiinta waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay Wada-xaajood, isla markaana uu doonayo inay Iiraan qaado tallaabada koowaad oo ay isaga soo wacaan, haddii ay diyaar u yihiin wada-xaajood.

LEAVE A REPLY