Kheyre oo Kulan deg deg ah la qaatay Wasiiro, Duqa Muqdisho & Saraakiisha Ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay kulan deg deg ahaa oo looga hadlay amniga caasimadda oo lagu qabtay taliska qeybta guud ee Booliska gobalka Banaadir.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen wasiirka amniga gudaha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaasha ciidanka iyo khuburo amni ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta iyo ka mira dhalinta qorshaha sugidda amniga dalka gaar ahaan amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin iyo tallooyin ka dhagaystay khuburada loo xil saaray aruurinta xogaha amni ee ay soo gudbiyaan laamaha amniga, waxa uuna ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan badbaadina nafta iyo hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hay’adaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan xasilinta caasimadda si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.

Si kastaba, kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay kordhiyeen weerada ay ka geystaan Caasimada, waxaana xalay Muqdisho ruxay qarax ka dhacay nawaaxiga Xeebta Liido.

Gelinkii danbe ee shalay gudaha Suuqa Bakaaraha waxaa lagu dilay Nin Oday ahaa, halka habeenkii ka horeeyay Dharkiinleey lagu dilay Wadaad kale, iyadoo isla Axadii Yaaqshid lagu dilay Nin Oday ahaa oo Masaajidka loogu galay isagoo Qur’aan akhrisanayay, dhamaan dadkan waxey ahaayeen xubnihii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements