Madaxii Hawl-Gelinta Ciidanka Isku Dhafka Galmudug iyo puntland Oo U Geeriyooday Dhaawac...

Madaxii Hawl-Gelinta Ciidanka Isku Dhafka Galmudug iyo puntland Oo U Geeriyooday Dhaawac Xalay Soo Gaaray

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo War Goordhow soo gaaray Warbaahinta Hobyomedia.com ayaa waxaa uu sheegayaa in Madaxii hawl-gelinta Ciidanka Isku dhafka ah ee Gobolka Mudug uu geeriyooday,kadib dhaawac xalay soo gaaray.

Kooxo hubeysan ayaa xalay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dhaawacay Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil xili uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda oo uu kusoo tukaday Masjid ku yaalla halkaasi.AKHRISO

Allaha u naxariistee Gaashaanlle dhexe Khaliif Nuur Shiil ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray rasaas xoogan oo lagu dhuftay,isagoona ku geeriyooday Isbitaalka weyn ee Magalaada Gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen Howl waddeena Caafimadka.

Kooxihii xalay ka dambeeyay falkaasi ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana halkaasi durbo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada,iyagoona ka sameeyay howlgalo lagu raadinayo ragii fuliyay falka.

LEAVE A REPLY