Madaxweyne Xaaf Oo Ka Biyo Diiday Kheyre & Farmaajo Codsi Ay Ugudbiyeen

Madaxweyne Xaaf Oo Ka Biyo Diiday Kheyre & Farmaajo Codsi Ay Ugudbiyeen

0
SHARE

Weli waa jaantaa rogan wararka laga helayo Garowe Ee Caasimada Puntland Shirka Ka Socda Ee udhaxeeya Maamul Gobolleedyada iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Shir siyaabo kala duwan lagu kala kacay ayaa dhacay oo Madaxda Shireysa iskugu yimaadeen.

Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxa uu ku adkeystay inuusan madaxa hoos u raaracin xilli ay weli Madaxda Qaranka ay doonayaan Qancinta Galmudug.

Waxay Xaaf iyo Maamulkiisa ku Andacoonayaan inay helaan wakhti kordhin labo ilaa seddex Sano ah maadaama laga ambaqaadayo Heshiiskii ka dhacay Jabuuti Ee Ahlusuna iyo Galmudug isku biireen.Advertisement

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa ku dedaalaya in La Qanciyo Xaaf hadana Doorasho ay Galmudug ka dhacdo Sanadkaan.

Tiiyoo ay sidaa tahay ayaa Hadana Madaxda Dawlada Dhexe waxay Xaaf ka dalbadeen inuu Cadaado kula kulmo Garabka Galmudug ka go’day la iskuna tanaasulo.Advertisement

Madaxweyne Axmed Xaaf ayaa taas ka biyo diiday isagoo sheegay in Qadiyadiisa oo xal laga gaarin mid kale aan loo gudbi Karin

LEAVE A REPLY