Masuul sare oo ka tirsana Galmdug oo Gaalkacyo lagu Dhawacay wax...

Masuul sare oo ka tirsana Galmdug oo Gaalkacyo lagu Dhawacay wax ka ogow cida ka danbeysay Weerarka

0
SHARE

Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa xalay lagu dhaawacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerarkan.

Falkan ayaa dhacay ka dib markii Askari ka tirsan Ciidamada amniga Galmudug uu rasaas ku furay Mooto uu la socday masuulkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Axmed Qoodeeye.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in askariga uu ka shakiyey Mootada taasoo keentay inuu rasaas ooda kaga qaado.

Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay dhaawaca Axmed Qoodeeye si xaaladiisa caafimaad loo baxnaaniyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxay sheegeen in askariga dhaawacay Guddoomiyaha ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug ee ku sugan Magalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY