Milliteriga Suudaan Iyo Mucaaradka Oo Ku Heshiiyey Xilliga Kala-Guurka

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Hoggaamiyayaasha Milliteriga ee talada dalkaasi la wareegay bishii hore waxay Kooxaha Mucaaradka kula heshiiyeen 3-sanno oo  Xilliga Kala-guurka ah, si  Dowlad Rayid loogu wareejiyo Maamulka dalkaasi.

Jeneral Yaasir Al-atta oo ka tirsan Golaha Milliteriga ee TMC oo saakayto Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Khartuum ayaa sheegay inay labada dhinac Heshiis Kama-dambays ah ka gaareen Awood-qeybsiga, oo ay ku jirto Qaabaynta Maamulka soo socda ee dalkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in muddada Xilliga Kala-guurka la dhisi doono Barlamaan ka kooban 300 oo xubnooda, iyadoo 67% ay ka imaan doonaan Isbahaysiga Xorriyadda iyo Ibedelka, halka 33% ka kala imaan doonaan Kooxaha kale ee Siyaasadda.AKHRISO

6-da bilood ee ugu horreysay ee Xilliga Kala-guurka waxaa heshiis nabadeed lala saxiixan doonaan Jabhadaha hubeysan ee ku sugan Deegaanadda ay colaaduhu ka socdaan ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Madani Cabaas Madani oo u hadlay Mucaaradka ayaa sheegay inay Golaha haya Tlaada Suudaan dhisi doonaan Guddi baaritaano ku sameeya weeraradii loo geystay Dibadbaxayaasha.

Golaha Milliteriga ee TMC waxaa Madax ka ah Jeneral C/faataax Al-burhaan, kaasi oo la wareegay Talada dalkaasi, kadib, markii Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir talada laga tuuray bishii April 11-dii ee sannadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.