Milliteriga Syria Oo Qabsaday Magaallo Istaraatijiyad Leh

Milliteriga Syria Oo Qabsaday Magaallo Istaraatijiyad Leh

0
SHARE

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria waxay sheegeen inay Ciiddanka dowladda ay maanta qabsadeen magaalladda muhiimka ee Kafar Nabuudeh ee Waqooyiga Gobalka Xama ee Bartamaha dalkaasi.

Ciiddanka waxay magaalladaasi ka qabsadeen Maleeshiyadda Kooxda Xayaat Taxriir Alshaam ee ay wada shaqeynta leeyihiin Kooxda Nusrat Front.

Maleeshiyada Xayaat Taxriir Alshaam ayaa la sheegay inay dib isku urursanayaan, si ay dib ugu qabsadaan magaalladda u gacan gashay Ciiddanka Dowladda, kadib, duqeymo Diyaaradeed iyo hubka culus oo dhowr maalmood socotay.

Magaalladda Kafar Nabuudeh ayaa la sheegay inay muhiim u thaay iyadoo isku xirta dhoer Degmo oo ku taalla Waqooyiga Gobalka Xama ee ay Maleeshiyaddu haystaan iyo Koonfurta Gobalka Idlib.

Wargeyska Al-waddan ee taabacsan dowladda Syria waxa uu maalin ka hor qoray inay Ciiddanka Dowladda bilaabeen Hawlgal ka dhan ah Maleeshiyadda ku sugan dhinaca Waqooyiga ee Gobalka Xama ee bartamaha dalkaas

LEAVE A REPLY