Qasaraha ka Dhashay Weerar Shalay Galab dhac kaay Deegaanka Taar-roge iyo Xoolo...

Qasaraha ka Dhashay Weerar Shalay Galab dhac kaay Deegaanka Taar-roge iyo Xoolo Dhaqatada Galmudug oo la Weeraray

0
SHARE

HM__Xadiiska Gaalkacyo Wararka Naga Soo Gaaraya Deegaanka Taar-roge oo 30 KM Galbeedka Kaga Began Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug Ayaa Sheegaya In Iska Hor’imaad Hubeysan Galabta dhex maray Ciidamo ka Tirsan Puntlan Kuna Hubeysan Gawaarida dagaalka ee Tiknikada Loo Yaqaan Iyo Xoolo dhaqato Refer Miyi ah oo kasoo Jeeda Galmudug.


Dadka Deegaanka oo aan la hadalnay ayaa tilmaamay in Dagaal kooban oo Dhex maray naleeshiyaadka watay gawaarida dagaalka oo Sida ay sheegeen ka Tirsan Puntland ay weerar bareer Ku soo qaadeen Xoolo dhaqatada Reer Galmudug.


“Ugu Yaraan 3Qof ayaa Ku dhaawacmay dagaalkaas mana jiraan wax dhimasho ah Waxaana Deegaanka Caawa Laga Dareemayaa Xiisad”Sidaasi waxaa Warbaahinta U sheegay Dadka Deegaanka Taar-roge Galbeedk Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.

Xiisaddaan Cusub ayaa Ku soo Beegmaysa Xilli Wada hadalo nabadeyn ah oo Lagu Xalinayo Dagaalkii Todobaadkii hore ka dhacay deegaankaas ay socdeen Isla markaana Maanta oo Isniin ahayd Kulan Lagu balansanaa In La Iskugu Tago Deegaanka Taar-roge ee Galbeedka Mudug.


Baaqyo Nabadeed &Dadaalo Lagu Xalinayo Xiisaddaan dadka walaalaha ah ee Taar-roge waxaa wada Dhamaan Inta samaha jecel ee Gobolka Mudug.

Wixii Warar ah oo ku soo kordha Kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY