Ra’iisul wasaare ku xigeenka Austria ahna gudoomiyaha xisbiga FPÖ oo is...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Austria ahna gudoomiyaha xisbiga FPÖ oo is Casilay

0
SHARE

HM__Xafiiska Vienna > Ra,iisul Wasaare ku xigeenka Wadanka austria ahan Gudoomiyaha Xisbiga FPO Heinz-Christian Strache ya Xilka iska Casilay Kadib Markii ay soo baxeen edeymo muujinaya Musuq Maasuq isla Markana xiiri dhaw uu la lahaa Ruushka

Edeymaha musuq maasuqa aya tilmamaya in uu Dhaqaale la helay Ruusha Xiligii Doorashada Waxana tani ay keentay in uu is casilo kadib markii uu qabtay shir jaraaid.

Vedio la Baahiyay ayaa Mujinaya in Mr Strache uu Wada Hadal la Galay Nin Ganacsade ruush ahaa si uu u helo dhaqaale uu ku galo olalaha doorashada

Sidoo kale muqaalka oo si qarsoodi ah looga duubay siyaasigan aya keenay in shaki wayn uu soo baxo kaasi oo ku saabsan xiriirka uu la lahaa ruushka ka hor doorashadii ka dhacay austria

Sidoo kale qaabka loo maray Lacagahasi aya aha nidaam Sharci daro ah taasi oo keentay in sameyn wayn ay yeelato arintan

Heinz-Christian Strache Ra,iisul wasare ku xigeenkii austria ahna Gudoomiayah Xisbiga FPO ee is Casilay ayaa Saxafada u shegay in in wasiirka gaadiidka Norbert Hofer uu badali doono.


Gudoomiyaha Xisbiga FPO Heinz-Christian Strache oo la hadlaya Warbaainta Gudaha Caasimada Austria ee Vienna

Mr Strache wuxuu ku andacooday inuu ahaa “dhibbanaha weerarka siyaasadeed ee lagu bartilmaameedsanayay isaga Waxan uu iska fogeeyay edeymaha kala duwan ee loo jeedinayay waxana uu tilmaamay in wax sharci daro ah uusan ka muuqan muqaalka la soo bandhigay isla marna qaab siyaasadaysan loo weeraray isaga

Ra,iisul Wasaraha Wadanka Austria Sebastian Kurz ayaa faah faahin ka Bixin Doona qaabka ay wax u dhacyeen waxana laga war sugaya qaabka uu uga hadli doono arintaasi

Xisbga uu Madaxa u yahay Strache aya ah Xisbi inta Badan ka soo horjeeda Soogalootiga waxana siyaasada xisbigaasi uu yahay xisbi inta badan gadaal ka riixa in la soo saaro sharciyo adag oo lagula dhaqlo qaxootiga ku sugan austria iyo kuwa magangalyada waydiinaya Austria

W/Q/” Samiir Xasan Adan

Hobyomedia.com Xafiiska Vienna

LEAVE A REPLY