SAWIRO: Galmudug oo daahfurtay Imtixaanka dugsiyadda Dhexe

SAWIRO: Galmudug oo daahfurtay Imtixaanka dugsiyadda Dhexe

0
SHARE

Madaxa Xukuumadda Galmudug Mudane Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan  iyo Wasiirka Wasaaradda waxbarashada & Tacliinta Sare ee Galmudug Mudane Ahmed-dek Abdi Mohamed(Falko) ayaa Maanta furay Imtixaanka Dugsiga dhexe ee Fasalka 8-aad ee loogu gudbaayo Dugsiga Sare oo ay qaadeyso Wasaarada Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhammaan Deeganada Galmudug ayaa Saakay looga fariistay Imtixaanka midaysan ee Dugsiga dhexe ee Wasaarada Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug qaadayso.

Imtixaanka ayaa ka dhacaya 14 toban xarumood ee Todobo degmo oo ka mid ah Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Waa imtixaankii u horeeyey oo ay qaadaydo Wasaaradda waxbarashada & Tacliinta Sare Galmudug.

LEAVE A REPLY