Shaqaale Katirsan Hay’ad Caalami Ah Oo Lagu Afduubtay Gobolka Gedo

Shaqaale Katirsan Hay’ad Caalami Ah Oo Lagu Afduubtay Gobolka Gedo

0
SHARE

Dableey Hubeysan ayaa waxay maanta Afduub ka geysteen Gobolka Gedo,iyadoo lasoo sheegayo in Afduubkan uu ahaa mid loo geystay Shaqaale samafal.

Maanta ayaa afduubkani waxaa uu ka dhacay Deegaanka Geedweyne Ee Hoostaga Degmada Dooloow Ee Gobolka Gedo,lamana yaqaan dadka la qafaashay halka lala aaday.

Labada Qof Ee La Afduubtay ayaa lagu magacaabaa Injineer C/llaahi Rashiid & Maxamed Suubow Cabdulle.

Waxay ushaqeenayey Hay’adaha Samafal Ee la kala yiraahdo Trocaire iyo World vision iyadoo Shaqaalahaasi ay Howlo Samafal ku jireen.Advertisement

Al Shabaab ayaa loo maleenayaa inay Afduubkaasi sameeyeen,iyadoo baadi goobka Shaqaalahaasi hadda uu socdo.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Dooloow Ee Gobolka Gedo,oo looga hadlayo qafaalkaasi.

LEAVE A REPLY