Shirka Garoowe Madaxweyne Xaaf , Farmaajo iyo Kheyre oo wali Hal isku...

Shirka Garoowe Madaxweyne Xaaf , Farmaajo iyo Kheyre oo wali Hal isku fahmi la’ Maxa soo kordhay

0
SHARE

HM_Xafiiska Austria :Wararkii u Danbeyay ee Ku Soo kordhay Shirka Ka socda Mgaalada Garoowe aya shegaya in Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Galmudug ahmed Ducale Gelle Xaaf iyo Madaxda Dowlada Fdaraalka Soomaliya ay wali isku fahmi la’ yihiin Mudo Xileedka Madaxweynaha Dowlad Gobaledka galmudug waqtiga uu xilka ka dhamanayo iyo sidoo kale Mudada uu xilka sii Hayn doono.

Dawlada Fadaralka Soomaliya ayaa waxay ku doodaysaa muda xileedka Madaxwayne in ay ka Bilaabatay Xiligii Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku eg July Sanadkaan.

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Ahmed Ducaale Gelle xaaf ayaa Asna Dhankiisa ku adakaysanaya Dastuurka Galmudug in uu Qorayo Madaxwaynaha ladoorto in uu Xilka Sii Hayn doono Mudo 4 Sano ah sida ku cad Dastuurka Maamulka Galmudug .

Wararka Hobyomedia.com ay ka Helayso garoowe aya Shegaya in Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Puntland iyo Jubaland ay hiil aan gambad lahayn siinayaan Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Ahmed Ducale Gelle Xaaf

Masuulyiin ka Tirsan Xafiisak Ra,iisul Wasaare Kheyre aya Hobyomedia.com u shgeay in Xaaf xilka uu u qabtay in uu dhamaystiro Mudo XIleedkii Madaxweynihii hore ee Galmudug C,kariin Xuseen Gulled isla Markana Doorasho cusub ay doonayso Dowalada Dhexe in la qabto Si xilka uu hayo ay siyaasiyin kale fursad ugu helaan in ay soo tartarmaan,

Madaxweyne Xaaf ayaa waxa ku furan culays xoogan oo ka imanaya Dhanka Dowlada Fadaralka Soomaliya , waxna khilaafka u dhxeya Xaaf iyo dowlada DHexe ay gaartay in dowlada Dhexe ay gunadii ay siin jirtay Galmudug la jarto taasi oo keentay in xildhibanda Maamulka Galmudug aysan helin mushaarad Koodii mudo dhawr Bil ah

Dhan kale Waxa jira Mawjado Siyaasadeed ku furan Madaxweyne Xaaf tan iyo markii Mamaulkiisa uu u guray Magaalada Dhusamareeb Waxana , Beelaha Dgaa Cadaado ay si cad uga soo Horjeesteen in Caasimada Galmudug laga dhigo dhuusamareb isla Markana Dowlada Dhan ay hlkaasi u guurto

W/Q/ Samiir Hassan Adan

Hobyomedia.com Xafiiska Austria

LEAVE A REPLY