Siyaasada Austria oo wali cakiran iyo Xisbigii FPO oo dowlada isaga Baxay

Siyaasada Austria oo wali cakiran iyo Xisbigii FPO oo dowlada isaga Baxay

0
SHARE

HM__Xafiiska Vienna : Xiisada Siyaaasadeed ee Wadnaka Austria aza Wali sii Cakiran Tan Iyo Markii Ra,iisul Wasare ku xigeenkii Austria Mr. Strache uu isku Casilay Fadexad Darted marki la sooo Bandhigay Muqaalo Qarsoodi ah oo ku sabsan in Heshiisyo Hoose uu la Galay Xubno ka Tirsan Dowlada Ruushka iyo Ganacsato ka hor doorashooyinkii sanadkii Hore ka Dhacay Wadanka Austria

Xisbiga FPO ayaa lagu dhaliilay Fadeexadii ku soo baxday Hogaankii Xisbigooda ahaana Ra,iisul Wasarihii Dalkaasi ,Waxana arintaasi ay ka Liftay in Ra.iisul Wasaraha Austria uu ka Codsado Madaxweynaha Austria Alexander Van der Belle in Dowlada la kala diro waxna Wada Hadl ra,iisul Wasaraha iyo Madaxweynaha dhax maray Kadib la kala diray Dowladii Austria

Xisbiga FPO oo Arintaasi ka Xanaqsan ayaa Shaaca ka Qaaday in Dhamaan Xubnihii Xukumada Austria ugu jiray Xisbiga FPO ay ka Baxeen Xukumada Tasi oo sii Hurisaz Xiisada Siyaasada ka Tagan Wadanka Austria

Warbahinta ZIb oo ka dabacay in Xisbiga FPO ay ka baxeen Dowlada

Warbaahinta Zeit im Bild ayaa dabacday warkaasi kadib markaii la xaqijiyay warka ka soo baxay Xisbigaasi , Waxana kadib warkaasi qabtay shir deg deg ah shalaz galinkii danbe Ra,iisul Wasraha Wadanka Austria Sebastian Kurz isagoo sheegay Boosaskii ay ka baxeen Xubnihii Xisbiga FPO ay sii Buuxin Doonaan Qaburo siyaasada ku xeel dheer oo gaar ah oo dalka lagu wareejiyay dalka Tan iyo Bisha Semptember oo austria ay ka dhici doonto Doorasho

Kickl wird entlassen, FPÖ-Minister durch Experten ersetzt

Innenminister Kickl wird entlassen. Alle FPÖ-Minister treten zurück. Sie werden durch Experten ersetzt. Das kündigt Kanzler Kurz „in Rücksprache mit dem Bundespräsidenten“ an:

Posted by Zeit im Bild on Monday, May 20, 2019

Sebastian Kurz Ra,iisul Wasraha Austria aya Shegay in Madaxweynaha Wadanka ay ka wada Hadleen arintan ku sabsan Quburada Dalka lagu wareejinayo Tan iyo inta Doorashada Laga Garayo

Madaxweynihi Hore ee Austria Heinz Fischer oo saxafada la Hadlay Ayaa sheegay in arinta ka taagan Austria aysan wali ka dhicin tan iyo 1945 waxana uu tilmaamay in xiisada cakiran loo baha yhy in la damiyo waxana uu ka gaabsan in uu ka hadlo arimo ku saabsan Xukumadii la kala diray iyo sida ay wax u dhacayaan

Fischer: „Bin mit dem Wort Staatskrise vorsichtig”

„Es hat eine solche Situation seit 1945 noch nicht gegeben”: Alt-Bundespräsident Heinz Fischer äußert sich zur aktuellen politischen Lage. Von einer Staatskrise möchte er nicht sprechen:

Posted by Zeit im Bild on Monday, May 20, 2019

Dhanka Kale Haweyneyda Hogaamisa Xisbiga FPO oo galinki Danbe xiisada taagan dateed la kulantay Madaxweynaha Austria Alexander Van der Belle aya Sheegtay in Madaxweynaha ay kala Hadashay Xiisada Siyaasada e cakiran waxayna shegtay in la ilaaliyo Dimuqaraadiyada Austria , iyadoo shegtay in danaha shaqsiyaded ee Xisbiyada laga Hormariyo arintan Dalka iyadoo ku baaqday in laga wada Shaqeeyo Xasilinooni siyaasaded oo dalka dhan ka dhacda

Wadanka Austria aya hada dowladii la kala diray waxana Xisbiyada FPO;SPO: iyo (ÖVP) aya qabanayan shirar kala duwan oo ay uga Hadlazan Siyaasada Austria iyo isbadalka siyaasadeysan , waxana Xukumadii Austria ay u dhacday Muqaal qarsoodi ah oo laga duubaz Ra,iisul Wasaare ku xigeenkii Wadankaasi isagoo heshiiis hoose la galaya Ganacsato Ruush ah oo ku xiran dowlada Ruushka waxana la shegay in Ruushka u tagerayay Xiligaasi Ra,iisul Wasare ku xigenkii wadankaasi taasi oo keentay in Fadexo Darteed uu isku casilo Ra,iisul Wasare ku xiegenkii Austria

Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia

W-Q- Samiir Xasan Adan

Hobyomedia.com Vienna Austria

LEAVE A REPLY