Soomaali Ku Xiran Jesiiradda Sishilis Oo Lagu Soo Oogay Burcad-Baddeednimo

Soomaali Ku Xiran Jesiiradda Sishilis Oo Lagu Soo Oogay Burcad-Baddeednimo

0
SHARE

Maxkmaadda Sare ee Sishilis waxay si rasmi ah dacwado ugu soo oogtay 5 Soomaali ah oo lagu tuhunsan tahay Burcad-baddeednimo, kuwaasi oo ay Ciiddanka Badda Midowga Europe soo qabteen bishii la soo dhaafay ee April 26-dii , iyagoo u gacan geliyey Hay’addaha Ammaanka ee Sishilis.

Eedeysanayaasha waxay shalay oo ay bishu ahayd 29-kii May ka soo muuqdeen Maxkamadda Sare ee Sishilis, waxaana dhegeysiga dacwadooda dib loo dhigay ilaa bisha soo socota ee June 7-da.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay tahay markii labaad ee la soo qabto, loona soo gudbiyo Hay’addaha Garsoorka ee Sishilis.

Boliska Jesiiradaasi ayaa sheegay in Eedeysanahaasi la soo qabtay bishii November ee sannadkii 2017-kii,  waxaana dib loogu celiyey Somalia bishi December ee sannadkii hore ee 2018-kii.

Jesiiradda Sishilis oo ku taalla Galbeedka Badweynta Hindiya eaxay Juqraafi ahaan u dhowdahay Xeebaha Somalia, waxaa tan iyo sannadkii 2005-tii loo adeegsanayey Aagga Hore ee Hawlgalladda ka dhanka ah Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Sannadkii 2015-kii, waxaa Sishilis laga asaasay dhismo Maxkamad Casri oo  awood gaar ah loo siiyey inay dhegeystaan Kiisaska la xiriira Dembiyadda Burcad-baddeednimadda.

LEAVE A REPLY