Xildhibanad ka tirsanayd Barlamanka Galmudug oo geeriyootay iyo Madaxweyne Xaaf oo ka...

Xildhibanad ka tirsanayd Barlamanka Galmudug oo geeriyootay iyo Madaxweyne Xaaf oo ka tacsiyeeyay

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Allaha u Naxariistee waxaa Shalay Galab Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyootay Maryan Cali Abtidoon  (Munashiibiyo) ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug

Marxuumada ayaa maalmahaan ku jirtay Mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magalada Muqdisho oo lee keenay si loogu daaweeyo kadib xanuun soo wajahay.

Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Galmudug ahmed Ducaale Gelle Xaaf , aya ka tacsiyeeyay Geerida Xildhibanada Waxan Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madxweynaha u u qorna Sida Tan:-

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan DG Galmudug waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Galmudug, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee Xildhibaanad Maryan Cali Abtidoon”

“ Xildh. Maryan Cali “Minashiibiyo” waxay ahayd ruux Bulshadu kusoo hirato oo ku caan-baxday aftahanimo, karti, hufnaan iyo daacadnimo. Waxa ay qayb wakhtigeeda kamid ah ku bixisay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyadoo kasoo shaqeysay Wasaaradda Maaliyada iyo Dekeda Muqdisho ka hor inta aysan kamid noqon Golaha Baarlamaanka Galmudug . Sidoo kale, Marxuumadu waxa ay kaalin muuqata ku laheyd dib u yagleelidii Maamulka Galmudug.

Alle ha u naxariistee Xildhibaanad Maryan Cali Abtidoon waxay kamid aheyd Xilibaanadii ugu horreeyay ee lagu aasaasay Golaha Baarlamaanka Galmudug waxayna kamid aheyd Gabahaha ugu firfircoon ee kamid ah Barlamaanka DGGM.

Waxaan Alle uga rajeynayaa Jannatul Firdowsa, ehelkii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxdayna samir Jamiil ah iyo iimaan sugan.
Innaa Lilaahi Wa Innaa ileyhi Raajicuun.
#DHAMMAAD

LEAVE A REPLY