Xisbiga FPO ee Austria oo ku Gulaystay in la Saxiixo Sharci ka...

Xisbiga FPO ee Austria oo ku Gulaystay in la Saxiixo Sharci ka dhan ah Qaxootiga ku Nool Austria

0
SHARE

HM__Xafiiska Vienna” Wasiirkii Wasarada Arimaha Gudaha Dowlada Austria ee ayaa inta uusan Baneen Xafiiska Wasaradaasi waxa uu Saxiixay Sharci sameyn wayn ku Yeelanaya Qaxootiga Magangalyo Doonka ah ee ku sugan Wadanka Austria

Dowlada Austria ayaa la kala Diray Kadib markii Ra,iisul Wasaraare ku Xigeenkii Austria uu isku Casilay Fadeexo Darteed kadib Markii la soo Bandhigay Muqaal Qarsoodi ah oo laga Duubay isagoo kulan la yeelanaya Ganacsato ka soo jeeda Ruushka isla markana la galaya Heshisyo qasoodi ka hor inta uu Noqon Ra,iisul Wasare ku xigeenka Austria Waxana Taasi ay kaliftay in markii la soo bandhigay Muqaalkaasi uu isku casilo Fadeexo Darteed Waxana is Casilaadiisii ay galaafatay in Xubnihii Xisbiga FPO ee uu Hogaamiyaha ka aha ay Dowlada isaga Baxaan taasi oo ugu Danbeyn kaliftay in Ra,iisul Wasaraha Austria uu ka Codsado Madaxweynaha Austria in Dowlada la kala diro iyadoona markii danbena Dowladii u dhacday Arimo la Xirira Fadeexadaasi

Wasiirkii Arimaha Gudaha Austria KIKI oo Saxiixay Sharci ka dhan ah Qaxootiga ka hor inta uusan xafiiska ka tagin

Herbert Kickl Wasiirka Arimaha Gudaha ee Austria kana Mid ahaa Wasiiradii Xukumadii dhacday ayaa inta usan Xafiiska Baneen waxa uu qalinka ku duuqay Sharci si wayn u saameynaya Qaxootiga Mgaangalyada waydiisaty Austra waxana sharcigaasi uu Xadidaya Dhaqalaha ay ku Shaqyn karaan Qaxootiga ku nool Austria

Saacadi ayay Qaxootigaasi waxa ay ku shaqyn Doonaan 1,5 Euro ( Hal Yuuro iyo Bar )

Arintan aya Noqotay mid si wayn looga soo Horjeestay taasi oo lagu tilmamay in lagu tuntay Xaquuqda Dadka Magangalyo Doonka ah ee ku nool austria

Waa kuma Dadka ku Shaqyn doona 1,5 Euro Sacadii

Sida ku cad Sharciga uu Saxiixaz Wasiirka Arimaha Gudaha Ka hor sacadihii uu ka tagayay Xafiiska Dadka Hesyta Kaarka cad ee ku Noool ausria isla markana sugaya Qaabilaada Qaxootiga ayuu Sharcigaasi si wayn u samayn doona kuwasi oo markii hore hadii ay shaqo tagan sacadii ku shaqyan jiray Lacag ku dhaw 7 ilaa 8 Euro balse Hada waxii ka danbeya waxay ku shaqyan doonaan Sacadii 1,5 Euro

Dadka Hezsta Sharciyada Kumeel Gaarka ah iyo iyo Qaxootiga ma samayn doono waxayna dadkaasi ku shaqyan doonaan lacagaha caadi ah ee dadka sida normalka ah ay ugu shaqeyaan

Xisbiga FPO oo ka mid ah Xisbiyada diidan Soogalootiga in ay helaan Xaquuqyo farbadan aya gadal ka rixayay arimo farabadna oo ay ka mid yihiin in qaxootiga laga dhimo lacagta ceyrta ah ee dadka aan shaqyn la siiyo waxana sidoo kale ka mid aha arintan la saxixay iyadoona wasiirka arimaha gudaha inta usan xafiiska ka tagin uu ka gaarsiiyay saxiixa sharcigaani

Madaxweynaah Austria ayaa ku baaqay in Austria ay doorasho Xiligeedi laga soo Hormariyay Taasi oo dhacaysa Bisha September kadib Markii Dowladii la kala diray waxana inta Xiligaasi dalka sii Maamuli Doono Quburo gaar ah madama dalka aysan ka jrin dowlad , waxana arintaasi isla afgartay Ra,iisul wasaraha Austria Sebastian Kurz iyo Madaxweynaha Austria Alexander Van der BellenĀ 

Xafiiska Wararka Austria

Wixii warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY