Xog Beesha Caalamka oo go’aan ka soo saareysa Shirka Garoowe & Xaaf...

Xog Beesha Caalamka oo go’aan ka soo saareysa Shirka Garoowe & Xaaf iyo Axmed Madoobe oo culeys wajahaya

0
SHARE

Xubno kor-joogto ah oo ka socday beesha caalamka ayaa si dhaw ula socday Shirka Garowe, waxa ayna xubnahaasi danneeyaasha arrimaha Soomaaliya siiyeen warbixin shirka ku saabsan oo ay ka muuqatay rajo xumo natiijada Shirka ah iyaga oo warbixintooda ku sheegay in labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Galmudug ay si cad uga biya-diideen in Shirku sii socdo, ayna caqabad ku noqdeen.

Waddamada iyo hey’addaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa iyaga oo ku salaynaha warbixinta ay ka heleen xubnaha la socday shirka, waxaa  la filayaa in ay  go’aan kasoo saaraan Shirka Garoowe.

Wararka ay heshay shabakadda Allabanaadir ayaa sheegaya in labadii maalin ee u dambeysay dhawr jeer ay Safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya la xiriireen Xaaf iyo Axmed Madoobe si ay ugu qanciyaan in Shirku sii socdo oo natiijo laga gaaro.

Beesha caalamka ayaa qabta in haddii khilaafku sii fogaado uu saameyn weyn ku yeelan karo dowlad dhiska Soomaaliya iyo rajada shacabka Soomaaliyeed.

Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo iyo Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo u duulay Nayroobi ayaa labaduba waxa ay sheegeen in Dowladdu aysan diyaar ahayn in ay tanaasul sameyso oo ay shirka fashilisay, hase yeeshee wararka Allbanaadir ay heshay waxa ay sheegayaan in Beesha caalamku damacsan tahay in culeys xoog leh ay saarto labada Madaxweyne ee Shirka ka carooday.

Beesha caalamka ayaa dadaal badan ku bixisay sidii la isugu keeni lahaa Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Dowladda dhexe, iyada oo waliba hoggaanka dowladd dhexe ku cadaadisay  in ay Garoowe tagaan iyaga oo dowladda dhexe u arkayay in ay diidan tahay in ay maamul goboleedyada la xaajooto balse hadda taas badalkeeda ayaa u muuqata.

Waxaa laga yaabaa in Maamul Goboleedyada Hirshabeele, KoofurGalbeed, Puntland iyo Dowladda dhexe ay war kasoo saaraan Garoowe, taas oo ay dheertahay warbixinta beesha caalamka ee sida hor dhaca ah loogu eedeeyay Maamullada Galmuug iyo Jubbaland

LEAVE A REPLY