Xog Culus Tirada Dad lagu dilay Deegaanka Taaroge ee Galbeedka Gaalkacyo oo...

Xog Culus Tirada Dad lagu dilay Deegaanka Taaroge ee Galbeedka Gaalkacyo oo dagaal ka dhacay Waa sidee Xaalka

0
SHARE

Ugu Yaraan 2Qof Ayaa dhimatay 2kalana waa Ku dhaawacmeen Iska Hor imaad Maleeshiyaad Hubeysan Ku dhex maray Deegaanka Taaroge Galbeedka Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.

Isku dhaca Maleeshiyaad beeleedyo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland oo dhacay Duhurnimadii Maanta oo talaado ah ayaa la sheegayaa iney dajinta xiisadda Ku hawlanyihiin Mas’uuliyiinta Maamulada Labada Gabi Ee Galmudug iyo Puntland.

Weerarka ayaa ku soo aadaya iyadoo Madaxda Galmudug iyo Puntland ay ku suganyihiin Gaalkacyo isla markana dhawaanahan uusan dhicin wax colaad ah.

LEAVE A REPLY